Warrarka ka imaanaya Deegaan Dhaca Inta Udhaxaysa Degmooyinka Guraceel Iyo Ceelbuur Ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ugu yaraan labo qof ay ku dhinteen, tiro intaa kabadanna ay ku dhaawacmeen dagaalo saaka oo Jimce ah ka dhacay deegaanka la yiraahdo Golangole oo qiyaastii 85 km koonfur uga beegan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamo ka tirsan Ahlu-Sunna Wal Jamaaca oo ka baxay Guriceel ay weerareen deegaanka Golangole oo ay joogeen koox ka tirsan Al-Shabaab. Ciidanka weerarka qaadaywaxaa bilowgiiba u suurtagashay inay dagaal la’aan qabsadaan Golangole kadib markii kooxdii joogtay ay Iskaga Baxeen Halkaasi
Al-Shabaab ayaa dib usoo rogaal celisay waxaana dhacay dagaal inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen labo ka tirsan ciidanka Ahlu-Sunna Inkastoo Warar Anan Xaqiidooda Helin Ay Sheegayaan In Alshabab Ay Dib Ula Wareegeen Deegaanka  Golangole.
Dhinaca Kale Saraakiisha Ciidamada Hoggaaminaya ayaa waxa ay Warbaahinta Dowlada u sheegeen in Dagaal kooban uu Halkaasi ka dhacay ka dib Markii Maleeshiyaadku isku dayeen inay Deegaanka dib ugu soo laabtaan.
Marka Laga Sootago Wararka Sheegaya In Alshabaab Ay Gacanta Ku Hayaan Deegaanka Golangole Hadana Warbaahinta Dowlada Ayaa Ku Waramaysa In La Baacsaday Alshababkii Ku Sugnaa Halkaasi Islamarkaasna Ciidamada Ahlusuna Iyo Kuwa Dowladu Ay Gacanta Ku Hayaan Deegaankii Lagu Dagaalamay
[audiomp3=”http://www.goboladaradio.net/wp-content/uploads/2018/11/FAA-FAAHIN.mp3″][/audio]