Laba ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay, lama soo sheegin dhimasho kadib markii qarax gaari lagu dhajiyay uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan.
Gaari oo noociisa uu yahay midka raaxadda ah ee dadka isticmaalaan, ayaa qarxay kadib markii qaraxa nooca dhajiska ah lagu dhajiyay, Â dadka dhaawacmay ayaa maraayay wadada dhinaceeda.
Illaa hadda lama garanaayo gaarigaasi shaqsigii lahaa ee qaraxa loogu xiray, balse goobta ay wax ka dhaceen waxaa tagay Ciidamada Booliska oo daqiiqado kooban xiray wadada.
Maalmahan dambe waxaa Muqdisho ku soo badanaya qaraxyada gaadiidka lagu xiro ee shaqsiyaadka lagu waxyeeleeyo, iyadoo todobaadkii la soo dhaafay laba qarax ay ka dhaceen wadada maka Al- Mukarama.
Falalka amnidarada ugu badan ee ka dhaca Muqdisho ayaa waxaa sheegta masuuliyadooda Al Shabaab oo dagaal adag kula jirta dowladda Federalka Somaliya.