Home Warar Faa Faahino Ka Soobaxaya Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Faa Faahino Ka Soobaxaya Qarax Ka Dhacay Muqdisho

108

Faah faahino dheeraad ah ayaa  kasoo baxaya Gaari lagu dhejiyey waxyaabaha qarxa oo ku qarxay inta u dhaxeysa agagaarka Isgoyska Taleex iyo km4 ee  Wadada Maka Al-Mukarama.

Gaariga ayaa goobjoogayaal waxa ay sheegeen in uu ahaa nooca loo yaqaano Hilux uu qarxay xilli uu marayay agagaarka Isgoyska Taleex,waxaana la sheegay in uu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Gaariga qarxay uu ku dhaawacmay  Nin u dhashay wadanka Turkiga oo saarnaa,sidoo kalena uu ku dhaawacmay qof kale oo Soomaali ah.

Wararka qaar aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in Ninka Turkiga u dhashay ee qaraxaasi ku dhaawacmay uu Injineer ahaa,waxaana gurmad u sameeyey Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo goobta gaaray.

Todobadyadii la soo dhaafay ayaa Magalada muqdisho waxay amnigeeda aheyd mid wanaagsan,wallow mararka qaar ay ka dhacayaan qaraxyada nooca gawaarida lagu dhejiyo.