Dagaalkan ayaa saakay waxa uu ka qarxay degmada Wanla-weyn Gobolka Shabeellaha Hoose,kaasi oo u dhexeeyo Maleeshiyo beeleed hubeysan oo halkaas ku sugan.
Dadka deegaanka oo Aynu Xiriiro Kala Duwan La Sameenay Waxaa Ay Inoo  sheegay in maleeshiyaadka hubeysan ee ku dagaalamaya degmada Wanla-weyn ay isku hesytaan fariisin isbaaro ah oo Gaadiidka lacagta looga qaado oo ku yaalla halkaasi.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaan in uu ka dhashay dagaalka ka Dhacay  Wanla-weyn,isla markaana uu soo kala gaaray labada dhinac Halkaa Ku Dagaalamaya
Mararka qaar ayaa waxaa la maqlaya rasaas xoogan oo ay is weeydaarsanayan labada dhinac,waxaana haatan xaalada goobta uu dagaalka ka socday ay tahay mid kacsan,sida ay sheegayaan dadka deegaanka.
Dhanka Kale Xiiriiro Kala Duwan oo Aan La Sameenay Maamulka Degmada Iyo Kan Gobolka Shabeelaha Hoose Waa Ay Inoo Suura Galay Waysay In Ay Ka Jawaabaan Wacitaan KEENA

