Sunday, March 23, 2025
HomeWararFaa Faahino Burcad Badeed Somaliya oo Weeraray Markab Xamuul Ah

Faa Faahino Burcad Badeed Somaliya oo Weeraray Markab Xamuul Ah

elefishinka dalka Iiraan ayaa sheegay in Ciiddanka Badda ay waabiyeen Burcad-baddeed weerartay Markab nooca Booyadle Shidaal, kaasi oo marayey Gacanka Cadmeed ee u dhexeeya Somalia iyo Yemen.

Burcad-baddeeda oo la sheegay inay la socdeen 11 doonyaha nooca dheereeya (speedboats) waxay si saf-mar ah u weerareen Markabkaasi oo waday xamuul dhan 150,000 oo tan.

Ciiddanka Badda Iiraan ma aysan sheegin haddii uu khasaaro soo gaaray Markabka la weeraray iyo kooxihii weeraray, oo iyagu la sheegay inay baxsadeen.

Maraakiibta Dagaalka Iiraaan waxay sanooyinkii la soo

dhaafayhawlgallo ilaalo ah ka wadeen Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed, si ay Burcad-baddeeda Soomaalida uga badbaadiyaan Maraakiibta Iiraan ee uu marinkooda yahay Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyo Gacanka Hormuzka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe