Tuesday, March 18, 2025
HomeWararErgeyga Gaarka ah ee QM James Swan oo Soomaaliya ugu hambalyeeyay 59...

Ergeyga Gaarka ah ee QM James Swan oo Soomaaliya ugu hambalyeeyay 59 Guuradii Ka Soowareegatay Madaxbanaanida

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad-guurada 59aad ee kasoo wareegtay madaxbanaanida dalkooda.

 

“Hambalyo! Tani waaa maalin aad ugu weyn dhamaan dadka Soomaaliyeed, ee kala jooga halkan iyo dunida dacaladeeda. In-kastoo ay jiraan dhibaatooyin badan oo ay sii wajahayaan wali, haddana maanta waa malin ay dadka Soomaaliyeed  ku faani karaan horumarka la sameynayo,” ayuu yiri Md. Swan. “Dabaal-deggani wuxuu kusoo aadayaa xilli ay jirto fursad abuuraysa rajo laga qabo mustaqbal nabdoon oo barwaaqo badan.

“Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamka waxay si dhow ula shaqaynayaan dadka iyo madaxda Soomaaliyeed si ay uga caawiyaan inay horumar ka gaaraan amniga, horumarinta dhaqaalaha, maamul wanaagga, u-wadadhamaansho iyo la tacaalidda baahida bani’aadanimo. Qaramada Midoobay waxay u dabaabldegeysaa sanad guuradan iyadoo u ballan-qaadaysa dadka Soomaaliyeed garab-istaag bilaha iyo sanadaha soo socda.”

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe