Dowladda Itoobiya ayaa dagaal cir iyo dhul ah kii ugu danbeeyey ku qaadday magalaada Mekelle ee caasimadda Tigray.
Warbaahinta Itoobiya ayaa shaacisay in dagaal culus oo hadda ka socda Magaalada, duqeyn culus oo ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka Itoobiya ayaa si xowli ah ug socda Xaafaddaha Caasimadda Tigray.
Raysalwasaaraha Itoobiya, wuxuu shalay diiday in uu wada hadal la galo TPLF, wuxuuna cadeeyey in ay xooga saarayaan sidii midnimada dalkiisa loo ilaalin lahaa.
Howlgalkaan ayaa ah midkii ugu dambeeyay, waxaana dowladda ay sheegtay in gacanta lagu soo dhigi doono hoggaamiyeyaasha Tigray.