Duqayn xooggan oo loo malaynayo inay fuliyeen ciidamada Maraykanka ayaa maanta lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Daacish.
Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in duqayntan ay daba socotay iska horimaadyo socday tan iyo shalay, kaas oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish, kaas oo ka socday aagga Ceelka Miiraale, halkaas oo ay ciidamadu isku dayayaan inay ka saaraan kooxdan fariisimo ay weli ku leeyihiin halkaas.
Ilo amni ayaa tilmaamaya in duqayntu ay qayb ka tahay taageero milatari oo Maraykanku siinayo ciidamada Puntland, kuwaas oo la kulmay iska caabin xooggan oo ka imaanaysa Daacish, taasoo adkaysay in si degdeg ah looga saaro goobaha ay weli ku sugan yihiin kooxdaan.
Ilaa iyo hadda lama xaqiijin khasaare rasmi ah oo ka dhashay duqaynta, balse muuqaallo ay duubeen askarta ku sugan jiidda hore ayaa muujinaya laba qarax oo xooggan oo ka dhacay meelo lagu tuhunsan yahay inay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Daacish.
Tan iyo sidii ay ciidamada Puntland uga soo baxeen togga Baallade oo ku dhow Boosaaso, Daacish ayaa fursad u heshay in ay kasoo baxdo togga, iskuna ballaariso dhul horey looga saaray oo ay ka dhaceen dagaallo adag.

