Sunday, April 19, 2026
HomeWararGudahaDuqa Muqdisho oo dib u soo celisay Adeegyadii Shahaadooyinka Dhalashada iyo Guurka...

Duqa Muqdisho oo dib u soo celisay Adeegyadii Shahaadooyinka Dhalashada iyo Guurka Tobaneeyo sano ka dib.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Hoose ee Xamar (Xamar) ay bixineyso adeegyada lagama maarmaanka u ah bulshada sida diiwaan gelinta carruurta ku dhalata isbitaallada iyo sidoo kale warqadaha guurka iyo furiinka. . Tani waxay calaamad u tahay horumar la taaban karo ka dib 34 sano oo hakad ah oo lagu bixinayey adeegyadan muhiimka ah kadib dhicitaankii dawladdii dhexe ee 1992kii.

Maayar Madaale waxa uu hadalkiisa ku nuux nuuxsaday in dawlada hoose ay ka go’an tahay gudashada waajibaadka saaran iyo horumarinta adeegyadan bulshada loo hayo Wuxuuna ku booriyay masuuliyiinta dawlada hoose inay kor u qaadaan awoodooda si ay u daboolaan baahiyaha dadka deegaanka.

Madaale waxa uu iftiimiyay muhiimada dukumentiyadan, isaga oo ku sifeeyay in ay aasaas u yihiin nolosha qoyska isla markaana ay muhiim u yihiin xaqiijinta xasiloonida sharciga iyo bulshada. “Dukumentiyada qoysku waa muhiim laga bilaabo dhalashada ilaa dhimashada,” ayuu yiri Sidoo kale waxa uu ka hadlay caruurta dayacan iyo kuwa darbi jiifka ah,isaga oo sheegay in dhibaatooyinkaasi qaarkood ay sabab u tahay in aan la helin warqadaha guurka iyo furiinka.

Duqa magaalada ayaa carabka ku adkeeyay in nidaamka rasmiga ah ee furriinka iyo dukumentiyada qoyska ay ka hortagi karaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin dayaca carruurta. Waxa uu tilmaamay in la’aanta diiwaanka guurka iyo furiinka ay inta badan keento dhibaatooyin ay ka mid yihiin carruurta darbi jiifka ah.

Dowladda hoose ayuu sheegay in ay sidoo kale ka shaqeyneyso sidii ay u ballaarin lahayd adeegyadeeda si ay u daboolaan baahiyaha bulshada. Qaar ayaa soo jeediyay iyadoo la eegayo duruufaha dhaqaale ee jira iyo duruufaha gaarka ah waa in la hagaajiyo kharashaadka la xiriira adeegyadan si ay u noqoto mid awood u leh dadweynaha.

Tallaabadan lagu soo celinayo laguna hagaajinayo dukumentiyada madaniga ah ayuu raaciyay adeegyadu waxay ka tarjumaysaa sida ay uga go’an tahay kor u qaadista hufnaanta maamulka iyo bixinta taageerada muhiimka ah ee qoysaska Muqdisho.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe