Monday, November 4, 2024
HomeWararDowladda Turkiga oo dib u dhis ku billowday Guryaha ku dumay Dhul-gariirkii...

Dowladda Turkiga oo dib u dhis ku billowday Guryaha ku dumay Dhul-gariirkii ku dhuftay Dalkaas 6dii Febaraayo 2023.

Dowladda Turkiga ayaa dib u billowday dib u dhiska Guryaha iyo dhismaha kale ee Dowladeed ee ku burburay dhul-gariirkii xooggaanaa ee ku dhuftay dalkaas 6dii Febaraayo 2023 ee galaaftay nolosha dad ku dhow 50 kun oo ruux.

Tallaabadaan waxa ay muujineysaa in lasoo gabagabeeyay baadi-goobka dadka la waayay ee raadintooda muddo bil ah ka socotay gobollada dhaca xadka Turkiga uu la wadaago Jamhuuriyadda Suuriya.

Madaxweyne ku xigeenka Turkiga Fuat Oktay in si tartiib-tartiib ah dib loosoo celinayo nolosha dadka ku noolaa Gobollada uu dhul-gariirku saameynta taban ku reebay iyada oo ay guryo la’aan yihiin in ka badan 1.5 Milyan oo ruux.

Dowladda Turkiga ayaa ballanqaaday in ay dhiseyso dhismaha burburay iyo kuwa dhaawaca soo gaaray ee laga cabsi qabo in haddii dadku dib u degeen ay ku dumaan halkaasina ay ka dhalato waxyeello kale waa sida hadalka loo dhigay.

Waddamo kala duwan ayaa Xukuumadda Ankara ku garabsiinaya bil kaddib in dib u dhis lagu sameeyay guryaha dumay maadaama dadkii degenaa ay dulsaar ku yihiin goobo waxbarashada sida Jaamacadaha & xarumo Dowladdu u qorsheysay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe