Home Warar Dowladda Soomaaliya oo soo saartay Go’aano Cusub

Dowladda Soomaaliya oo soo saartay Go’aano Cusub

230

Hoos Ka Akhriso Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ce xukuumadda
Federalka Soomaliya oo dhaqan gelineysa amarka xukumadda oo ahaa in la xiro goobaha Waxbarashada sida Iskuullada iyo Jaamacadaha, waxa ay fareysaa dhammaan dalladaha Waxbarashada ahliga, Maamulayasha Dugsiyada iyo Guddoomiyayaasha Jamacadaha inay u
hoggaamsamaan amarka xiridda goobaha Waxbarashada muddo labo toddobaad ah oo ka bilaabaneysa 3da Maarso 2021.

Wasaaraddu waxa ay garwaaqsan tahay tallaabada lagu xiray goobaha Waxbarashada in ay qayb ka tahay dadaallada xukuumadda ee lagu xakameynayo faafidda heerka 2aad ee Caabuqa Covia-19 si loo badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed, waxaana muwaadin kasta looga baahan yahay inuu mas’uliyad iska saaro badqabka naftisa iyo tan bulshada uu la nool yahay Wasaaradda, iyadoo kaasharneysa Wasaaradaha Waxbarashada Dawlad-goboleedyada iyo bahwadaagta taagcerta waxbarashada, waxa ay ku dadaali doonaan in siyaabo kala duwan ardayda
ku sii wataan waxbarashadooda iyadoo laga faa’ideysanaayo teknoolajiyadda, lana isticmaalayo Barnaamijyo fogaan-barad ah.
Wasaaradda waxa ay maamulka iyo macallimiinta goobaha Waxbarashada ka codsanaysaa in ay mas’uuliyad iska saaraan la socodka xaaladaha ardayda dhigata goobahooda Waxbarashada, una
sameeyaan madal ay ku kala warqaataan, waalidiintana waxaa laga codsanayaa inay caruurtooda ku booriyaan in ay ku sugnaadaan guryahooda, ayna akhristaan casharooda, kana faa ideystaan
barnaamijyada fogaan-baradka marka ay bilowdaan.