Sunday, April 26, 2026
HomeWararDibaddaDowladda Soomaaliya Oo Shaacisay In Lix Xujey Ah Ay Ku Geeriyoodeen Xajka...

Dowladda Soomaaliya Oo Shaacisay In Lix Xujey Ah Ay Ku Geeriyoodeen Xajka .

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay dhimashada lix ka mid ah xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan gudaneysa waajibaadka Xajka ee dalka Sacuudiga. Warkan ayaa ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Xajka, iyadoo Dr. Khadar Daahir oo ah Madaxa Xafiiskaasi uu Warbaahinta kula hadlay Sacuudiga.

Sida uu sheegay Dr. Daahir, dadka dhintay ayaa isugu jiray saddex rag ah iyo saddex dumar ah, kuwaas oo laba ka mid ah ay geeriyoodeen ka hor inta aan la guda gelin gudashada waajibaadka Xajka. Kulaylka ba’an ee ka jira magaalooyinka Makkah iyo Madiina ayaa ah heer kul aad u sarreeya 50°C, waxaana uu saameyn weyn ku yeeshay dadka xujaynaya ee ka imaanaya dalal kala duwan.

” Lix ka mid ah xujeyda oo ay ku jiraan dad da’ ah ayaa ku naf waayay gudashada waajibaadka xajka. Kuleylka aadka u daran ee sanadkan ayaa ka dhigay xujeyda mid aad u adag,” ayuu yiri Dr. Daahir. Tirada guud ee dhimashada xujeyda ka kala timid dhammaan dalalka ayaa gaartay 550, sida uu sheegay xafiiska warbaahinta ee Harameyna.

Heerkulka sarreeya iyo xaaladaha cimilada ee ka dhashay ayaa khatar weyn ku keenay caafimaadka iyo badqabka xujaajta, taasoo keentay in tirada dhaawacyada ay ka badan yihiin sidii caadiga ahayd. Dowladda Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay ehelada iyo qaraabadii uu ka geeriyooday, waxaana dowladda Sacuudiga ay kala shaqeyneysaa sidii loo caawin lahaa, loona fududeyn lahaa soo celinta meydadka.

Xajka sanadkan ayaa muujiyay baahida muhiimka ah ee loo qabo in la kordhiyo tallaabooyin lagu ilaalinayo xujeyda saameynta xun ee xaaladaha cimilada aadka u daran.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe