Tuesday, April 14, 2026
HomeWararDowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in ay soo celisay xiriirkii kala dhaxeeyay...

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in ay soo celisay xiriirkii kala dhaxeeyay Kenya

Dowladda Soomaliya ayaa sheegtay in, iyada oo la ilaalinayo danaha deris wanaaga ay ku dhawaaqeyso inay dib u soo celisay xiriirkii diblumaasiyadeed ee dowladda Kenya oo horay Soomaaliya xiriirka u jartay.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in labada dowladood ay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinimo e labada dal, iyada oo lagu saleeynayo mabaadiida, ixtiraamka madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

“ Dowladda Soomaliya waxaa ay tallaabadaan u qaaday, iyada oo la eegayo farageli la’aanta Arrimaha Gudaha ee labada dhinac , sinaanta, wax wada qabsiga, & nabad ku wada noolanshaha ayuu yiri” Wasiir Alcadaala.

Sidoo kale wasiirka waxaa uu hadalkiisa uu intasi ku daray in labada Madaxweyne ee Soomaaliya & Kenya ay uga mahad celinayaan Amiirka dalka Qatar dadaalka uu ka geystay arrintaan.

15-kii Bishii December ee sanadkii 2020 ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ayku dhawaaqday in xiriirka diblumaasiyaded u jartay dowladda Kenya oo ay ku eedeysay xad-gudubyo siyaasadeed iyo fara-gelinta isdaba joogga ah ee muddoonyinkii ugu dambeeyey ay ku haysay madax-banaanida Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe