Dowladaha Soomaaliya iyo Denmark ayaa heshiis qarsoodi ah oo dhigaya in dadka magangalyo doonka ah ee Soomaalida ah dalka Soomaaliya dib loogu soo celin karo.
Heshiiskan oo aan si rasmi ah loo shaacin ayaa soo ifbaxay kadib markii xisbiga mucaaradka dalka Denmark uu ku eedeeyay dowlada wadankaas inay gashay heshiiskan ayna u baahan yihiin mucaaradka in la cadeeyo.Afhayeenka Xisbiga Social Democrats ee dalkaasi, Mattias Tesfaye oo la hadlay Telefishinka TV 2 ayaa tilmaamay inay u baahan yihiin caddaynta ku aadan Heshiiskaasi, iyadoo aan la soconin Heshiiskaasi, isla markaana ay jiraan dad Soomaali ah oo si qarsoodi ah loogu celiyey dalka Somalia.
Hase yeeshee Wasiirada Arrimaha Socdaalka ee dalka Denmark Inger Støjberg ayaa Farriin E-mail ku dirtay ku sheegtay in heshiiska lala galay DFS uu yahay Heshiis Qarsoodi ah, waxayna diiday inay faahfaahin dheeraad ah laga bixiyo Heshiiska qarsoodiga ee dadka Soomaalida loogu celinayo Somalia.
Qaar ka mid ah warbaahinta dalka Denmark ayaa sheegtay inay heleen Dukumenti muujinaya Hrshiiska ay labada Dowladood gaareen, taasi oo lagu xusay in Soomaalida aan haysanin Sharciga Deganaanshaha Denmark in loo masaafuriyo Somalia.
Heshiiska qarsoodiga ah ee galeen dowladaha Soomaaliya iyo Denmark ayaa ah mid afka ah waxaa uu dhigayaa in dalka Denmark ay Soomaaliya dib ugu soo celin karto muwaadinkii aan helin Dokumenti iyo aqbalaad rasmi ah.