Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa caawa xabsiga dhigay seddax wariye oo ka howlgala magaalada Muqdisho ee caasimada soomaaliya.
wariyaasha la xiray ayaa kala ah :
01-Cabdishakuur Maxamed Maxamuud oo ka tirsan howl-wadeennada Somali Stream
02-Maxamed Ibraahim Bulbul oo ah Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha Somali Journalists Syndicate – SJS
03-Cabdixafiid Nuur Barre oo ka tirsan howl-wadeennada Somali Cable TV.
Saddexda wariye ayaa la qabtay xilli ay ku sugnaayeen bartamaha magaalada Muqdisho oo ay ku caweynayeen.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in ilaa hadda aan si rasmi ah loo shaacin sababta ka dambeysa xarigooda iyo halka rasmiga ah ee lagu hayo, arrintaasi oo walaac xooggan dhalisay.
Majirto wali wax war ah oo ka sobaxay laamaha amni.
Xariga wariyaashan ayaa loo sababaynayaa xiisada siyaasadeed ee kataagan dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho

