Friday, May 15, 2026
HomeWararGudahaDowladda Soomaaliya ayaa Taliye cusub u magacawday Jeneraal Asad Cismaan

Dowladda Soomaaliya ayaa Taliye cusub u magacawday Jeneraal Asad Cismaan

Golaha Wasiirada Somaliya, ayaa maanta oo Khamiis ah u magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya General Asad Cismaan C/laahi, isagoo bedelaya Sareeye Gaas Sulub Axmed Firin.

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa soo jeedisay magacaabistiisa inta lagu guda jiro shirka todobaadlaha ah ee golaha Wasiirada.

Jeneraal Cabdullaahi ayaa horay u soo noqday Taliyaha Ciidanka Birmadka Puntland ee PSF 2007 ilaa 2018.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Arbacadii xilka u dalacsiiyay Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin, kaddib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa Khamiistii u magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

QORAALADA LA XIRIIRA

8 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe