Thursday, April 30, 2026
HomeUncategorizedDowladda oo soo bandhigtay Ciidamo la dagaalama Al-Shabaab

Dowladda oo soo bandhigtay Ciidamo la dagaalama Al-Shabaab

Taliyaha Qaybta 21-aad ee xoogga dalka Maxamed Cadoow Cali (Sanka) ayaa maanta kormeer ku gaarey ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud kuwaas oo muddo dhowr sano ah ku jira xero ku taal halkaas oo lagu tababaray.

Ciidamada ayaa ah kuwo isku diyaarinaya ka qeyb qaadashada howlgallada ka socda Gobolka Mudug ee la doonayo in Al-Shabaab looga saaro degaannada ay weli kaga sugan yihiin Gobolka Mudug, halkaas oo mararka qaar ay weeraro ka geystaan.

Taliyaha Qaybta 21-aad ee xoogga dalka Maxamed Cadoow Cali (Sanka) ayaa Warbixino ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada ku sugan Xerada, iyaga oo sheegay in Amniga degmada iyo degaannada ku dhow uu yahay mid wanaagsan oo la isku haleen karo.

Degaano ka tirsan Gobolka Mudug ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda oo garab ka helaya dadka degaanka iyo Xubno ka yirsan Ururka Al-Shabaab.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe