Wednesday, April 29, 2026
HomeWararDowladda Itoobiya oo hor-istaagtay gargaar la garsiiiyo gobolka Tigray

Dowladda Itoobiya oo hor-istaagtay gargaar la garsiiiyo gobolka Tigray

Guddoomiyaha hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga, Filippo Grandi, ayaa dowladda Itoobiya ku booriyay in hay’adaha gargaarka u oggolaato inay galaan gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas, si gargaarka loo gaarsiiyo dadka ay dhibaatada kasoo gaartay dagaaladii gobolkaas ku dhexmaray dowladda iyo kooxda TPLF.
Tan iyo bishii Nofembar ee sanadkii hore, dowladda Itoobiya ee uu hogaamiyo Dr Abiy Axmed ayaa dagaal kula jirtay kooxda TPLF oo mar dalkaas awood badan ku lahayd.

Dad lagu qiyaasay 60 kun ayaa u qaxay dalka deriska ah ee Sudan, halka kuwa kalena la aaminsan yahay inay ku barakaceen gudaha dalkaas. Inta badan gobolka Tigray ayaa waxaa ka maqan isgaarsiinta.
Laba bilood kahor ayay ahady markii dowladda Itoobiya ay guul ka sheegatay dagaalkii ka dhanka ahaa ciidamada gobolka Tigray.
Haseyeeshee haatan waxaa la soo warinayaa kufsi baahsan oo ka dhacay gobolkaas. Qaar kamid ah diblomaasiyiinta shisheeye ee dalkaas waxay soo sheegayaan in xadgudub galmo uu ka dhacay dalkaas iyo dad baahan oo loo adeegsaday siyaabo khaldan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe