Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay sheegtay in ay jiraan khataro amni oo kusoo wajahan gudaha Soomaaliya, waxaana ay saartay digniin ku aadan in muwaadiniinteeda ku sugan Soomaaliya ay muujiyaan feejignaan dheeri ah.
Dowladda Imaaraadka ayaa Soomaaliya ku dartay Liiska 13 dal oo Muwaadiniinteed uga digtay inay uu safraan sababo amni.
Wasaaradda waxay Muwaadiniinta Imaraadka uga digtay inay u safraan dalalka kala ah, Qadar, Lubanaan, Afghanistan, Pakistan, Ukraine, Nigeria, Koofurta Suudaan, Syria, Ciraaq, Brazil,Congo, Liibiya iyo Yemen. Dalalkan ay Soomaaliya ku jirto ayaa waxay sheegtay dowladda Imaaraadka in xaalad amni uga mamnuucday dadkeeda inay tagaan.
Waxa ay sheegtay dowladda Imaaraadka Carabta uu sidoo kale Khilaafka ka jira Soomaaliya uu muwaadiniinteeda ku sugan Soomaaliya Amnigooda halis galinkaro.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa sheegtay in sababta ugu wayn ay tahay xaaladda amni darro ee ka jirta Soomaaliya, oo ay suurta-gal tahay in la dilo ama la afduubo Muwaadiniinta Imaaraadka.
Wasaarada Arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta ayaa Dadka u dhashay Imaaraadka kula talisay in hadii ay u safrayaan Soomaaliya ay feejignaan dheeraad ah sameeyaan, islamarkaana ay la socdaan waxa hareerahooda ka socda.
https://holistickenko.com/roasted-caramel-herbal-coffee/