Tuesday, August 18, 2026
HomeWararDibaddaDowladda hoose ee degmada Cadaado oo ku shaqo bilowday Baalle cusub oo...

Dowladda hoose ee degmada Cadaado oo ku shaqo bilowday Baalle cusub oo degmadu leedahay.

Waxaa maanta degmada la soo gaarsiiyey Baalle cusub oo ka mid noqonaysa gaadiidka birta culus ee degmadu yeelanayso, si hawlaha horumarineed loogu adeegsado.

Shaqadii u horreysay ayey maanta ka bilowday dhul banaaan oo la doonayo in guryo looga dhiso dadka soo barakacay (xalalka waara), waxaana lagu falay waddooyinka dhulkaasi ee la qorsheeyey.

Baallehan oo ay degmada u iibiyeen ganacsatada reer Nairobi ee Cadaado ka soo jeeda, waxaa dalka dibadiisa ka soo iibiyey isla markaasna qarashka markabka bixiyey shirkadda #Sansah.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa u mahadceliyey jaaliyadda Nairobi, shirkadda Sansah, Xildhibaan Saabir Shuuriye, maareeye ku xigeenka dekedda Mogadishu,taliyaha booliska gobolka Banaadir, guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee gobolka Banaadir oo hawshaan ka qayb qaatay iyo dhallinyarada reer Muqdisho ee deegaankaan ka soo jeedo oo ka shaqeeyey in Cagafta laga soo bixiyo Dekadda Muqdisho, lana soo gaarsiiyo degmada Cadaado.

Maamulka degmada Cadaado ayaa markii hore adeegsanjiray Cagaf ama Baalle la soo kireeyey, balse in la helo gaadiid maamulku leeyahay ayaa deegaanka ka saacidi doonta in la fuliyo mashaariic bulshada waxtar u leh.

QORAALADA LA XIRIIRA

4562 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe