Saturday, April 25, 2026
HomeWararDibaddaDowladda Fedaraalka oo digniin culus u dirtay shacabka ku nool deegaanada AS.

Dowladda Fedaraalka oo digniin culus u dirtay shacabka ku nool deegaanada AS.

 Iyadoo maalmahii lasoo dhaafay ay kordheen howlgalada ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya ay ku beegsanayaan goobaha kooxda ASay kaga sugan yihiin gobolada dalka ayaa hadana waxaa soo baxay digniin loo diray dadka shacabka ah ee ku sugan deegaanada AS.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa Facebook ugu baaqay shacabka ku nool deegaanada Al-shabaab iney isaga fogaadaan xarumaha kooxda.

“DIGNIIN KHAWAARIJTA HALAGA FOGAADO Khawaarijtii markii todobaadkaan 3 jeer maqaaxidooda laga dhex qadeeyey, waxay ku heshiiyeen oo ay ilmaha naarta ugu sheekeynaayaan iney marasta ku dhex dhuuntaan. Shacabkayagoow ka fogaada oo Khawaarij haku ag dhimanin. waxaan codsaneynaa in la gaarsiiyo fariintaan qof walba” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Digniintaan uu wasiirka u diray dadka ku dhaqan deegaanada AS ayaa sidoo kale kusoo beegmeysa, iyadoo madaxweynaha Soonaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu mudo todobaad ah ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb oo uu u tagay dardar galinta dhameystirka howlgalada dalka looga saarayo kooxda AS oo uu halkaas ka hoggaaminayo madaxweynaha, sida ay horay u shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe