Wednesday, July 15, 2026
HomeWararDibaddaDowladda Fedaraalka oo adeegsan rabta xeeladii As looga saaray gobolka Hiiraan

Dowladda Fedaraalka oo adeegsan rabta xeeladii As looga saaray gobolka Hiiraan

Saraakiil sar sare ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo codsaday inaan magacyadooda la adeegsan, sababo la xariira inaan loo ogoleyn iney la hadlaan warbaahinta ayaa waxay sheegeen in dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay badashay xaaladii dagaalka ka dhanka ah kooxda As.

Waxay sheegeen saraakiisha in talaabadaan ay dowladda ku badeshay xeeladii dagaal ay timid, kadib dagaalkii cuslaa ee kooxda asku qaaday deegaanka Coosweyne ee gobolka Galgaduud, kaaso ciidanka xoogga dalka kasoo gaaray khasaare badan, hayeeshee dowlada wali ma shaacin khasaraaha dhabta ah ee ciidanka kasoo gaaray dagaalkii Coosweyne.

Xeelada cusub ee haatan dowladda ay ku badeshay tii hore ayay saraakiishu ku sheegeen in ay tahay in howlgalada ay hoggaamin doonaan ciidanka deegaanka, islamarkaana ciidanka xoogga dalka ay noqon doonaan kuwa kaalmeyn doona kaliya ciidamada deegaanka.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in ciidanka deegaanka iney dowladda u qorsheysay iney siiso guno ay ku biilan doonaan qoysaskooda mudada ay howlgalada ku jiraan, halka markii hore dowladda ay ka heli jireen rasaas kaliya.

Taliyahii hore ee NISA Sareeyo guuto Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inuu jiro qorsha cusub ee dowladda ay ku badashay xeeladii hore ee dagaalka, islamarkaana xeelada cusub ee dagaalka ay ku hoggaamin doonaan dadka deegaanka.

Xeeladaan cusub ee dowladda ay adeegsan doonto ayaa ah midii kooxda As looga saaray dhamaan deegaanada ku yaala Bariga gobolka Hiiraan sanadkii lasoo dhaafay ee 2022, markaas oo Shabaab ay kacdoonkii ugu horeeyay kala hortagtay beesha Xawaadle oo hormuud u aheyd dagaalada haatan lagula jiro Shabaab.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe