Tuesday, April 21, 2026
HomeWararDowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo heshiis cusub kala saxiixday

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo heshiis cusub kala saxiixday

Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta magaalada Riyaadh ee dalka Boqortooyadda Sucuudi Carabiya kula kulmay dhigiisa dalkaas Mudane Dr. Cabdullahi binu Maxamed bin Ibraahim Aala Sheekh.

Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo dhiggiisa dalka Sucuudiga ayaa ka wada hadlay xiriirka labada Baarlamaan ee Soomaaliya & Sacuudiga, iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada Wadan. Waxaa sidoo kale qayb ka ahaa kulanka Ku-xigeenka Golaha Shuurada iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Baarlamaan.

Gunnaanadkii kulanka ayaa labada Guddoomiye isku af garteen in laga shaqeeyo lana xoojiyo xiriirka labada Baarlamaan, waxaana lagu balamay in la dhiso guddi saaxiibtinimo ah oo ka shaqeeya dhaqan gelinta arrimahan iyo xiriirka labada Baarlamaan ee Sucuudiga iyo Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe