Tuesday, September 26, 2023
HomeWararDowladaha Islaamka oo diyaarinaya ciidamo difaaca shacabka reer Falstiin

Dowladaha Islaamka oo diyaarinaya ciidamo difaaca shacabka reer Falstiin

Iyadoo ay si kordhayaan tacadiyadaha ay ciidamada Yuhuudda ay ku hayaan shacabka reer Falastiin ayaa Hogaamiyayaasha dalalka Muslimka waxay ay ku baaqeen in la sameeyo ciidammo caalami ah oo ilaaliya Falastiiniyiinta,kadib shir ka dhacay dalka Turkiga.

Waxaa uu yimid Shirkan degdega ah ee hoggaamiyaasha islaamka kaddib markii ciidammada Israa’iil ay dileen ku dhawaad 60 qof oo Falastiiniyiin ah oo maalintiiIsniinta ku dibadbaxayay xadka Israa’iil ee Qasa,taasi oo kordhisay walaac laga muujinayo dhibaatooyinka haysa Falstiin.

Shirkaasi oo ka dhacay dalka Turkiga gaar ahaan magaalada Istanbul ayaa laga soo saaray war ku aadanaa cambaareyn lo jeediyay israaiil.

Ururkan oo ay ku midoobeen 57 dal ayaa waxa uu sheegay in Falastiiniyiinta ay u baahan yihiin ilaalo caalami ah waxa ayna ku baaqeen in la dhiso oo deegaanada Falastiiniyiinta loo daadgureeyo ciidammo gaar ah oo arrintaasi fuliya.

Bayaanka ayaa sidoo kale waxa uu ku eedeeyay maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu ka qeybqaatay dilalka loo gaystay Falastiiniyiinta iyo inuu dowladda Israa’iil ku taageeray in safaaraddii Mareykanka laga soo raro Tel Aviv oo la geeyo magaalada Qudus.

Tan iyo markii Donald Trum uu aqoonsaday Israel islamarkana safaaradiisa ka furtay Qudus,waxaa sii kordhayay walaaca dunidu ay ka qabto talaabadaasi,balse waxaa bar bar socda isku dayo badan oo lagu baajinayo qorshe kasta oo lagu xoojinayo israaiil,taasi oo aywadaan wadamada Islaamka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe