Wednesday, April 22, 2026
HomeWararDowladaha Sudan Iyo Kenya oo Ka Hadashay Weerarkii Muqdisho

Dowladaha Sudan Iyo Kenya oo Ka Hadashay Weerarkii Muqdisho

Madaxweynaha Dalka Suudaan Mudane Cumar Xasan Albashiir oo khadka taleefana kula soo xiriiray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku shahiiday weerarkii ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Albashiir ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda Suudaan ay ku garab taagan yihiin walaalahood Soomaaliya ,shacab iyo dowladba, falalka noocaan oo kale ah aysan hor istaagi karin dadaalka shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda.

Madaxweyne Albashiir ayaa caafimaad deg deg ah Alle uga baryey dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhaawacyadu ay ka soo gaareen weerarkan, sidoo kalena intii shahiidday uu hooygooda ka yeello jannatul fardowsa.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Cumar Xasan Albashiiri xiriirka uu la soo sameeyey si uu ula wadaago  dareenkiisa walaaltinimo ee ku aaddan weerarkan arxan darrada ah ee lagu soo qaaday shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka Kale Dowlada Kenya ayaa Dowlada Soomaaliya uga tacsiyadeeysay weerarkii Al-shabaab ka gaysteen Magaalada Muqdisho.

War saxaafadeedka ka soo baxay dowlada Kenya ayaa waxaa lagu yiri ” Waxaan tacsida la wadaageynaa qoysaska soomaaliyeed ee weerarkii shabaab ay kaga geeriyoodeen kuwii ay jeclaayeen , dagaalkoodu  waa mid caalami ah oo u baahan iskaashi buuxa”

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe