Home Warar Dowlada Somaliya oo Sheegtay In La Aqoonsaday Cida Ka danbaysay Afduub Haweynay...

Dowlada Somaliya oo Sheegtay In La Aqoonsaday Cida Ka danbaysay Afduub Haweynay Ajnabiya

1050

Waxaa Xalay Magaalada Muqdisho waxaa laguafduubtay Haweeney Ajnabi ah oo u Shaqeyneysay Hay’adda lagu Magacaabo ICRC,waxaana haatan dowladda Soomaaliya ay Sheegtay Cida ka dambeysay afduubkeeda.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdi Casiis Cali Ibraahim Xildhibaan ayaa sheegay in haweeneydaas oo u dhalatay dalka Jarmaalka uu afduubkeeda ka dambeeyey mid ka mid ah ilaaladeeda oo lagu Magacaabo Maxamuud Maxamed Calas.

Waxa uu sheegay in Gaarigii ay wateen looga dabategay agagaarka Isgoyska Tarabuunka,isla markaana gaarigii baaritaano kadib ay keeneen Xarunta Damba-baarista ee CID-da.