Xiligii abaaraha ayaa bilowday deegaano badan oo dhulka soomaaliya ka mid ah ayaa waxaa ka jira biyo la’aan iyo baad la’aan. Xiliyaddan oo kale waxay aheyd in loo gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen, gaar ahaaan goobaha cabashada weyn ay ka imaaneyso, si loo samata bixiyo dadka iyo duunyadda.
Xukuumadda xil gaarsiinta ee horseedka ka yahay ra’iisal wasaare Rooble waa in qaado tilaabo deg deg ah oo la xiriirta siddii uu gobolka Gaddo oo dhibaato weyn ka jirto loogu gurman lahaa. Iyada oo jirta in howl la xiriirta xagga siyaasadda iyo doorashootonka ay culeys badan ka saaran yahay, haddana howsha u adeegida dadka tabaaleysan waa waajibaad u yaal xukuumadda Rooble..
Waxaa la rabaa in uu u adeygsado ciidamadda dowladda ee deegaankaa jooga in uu u adeeg- sado in ay biyo u dhaamiyeen deegaanada ceelashu ka gureen oo biyo la’aanta ba’an ka jirto ee Gado. Xukuumaddu waxay leedahay wasaarad gargaarja oo ku shaqo leh oo cunno u daabuli karta deegaanadaa si dadka loo bedbaadiyo.
Xukuumadda waxaa kale oo laga rabaa in ay wargaliso bulshada rayid ah oo ay ganac- satadu ugu horeyso iyo saaxiibadda caalamka si dadkaa si deg deg ah loogu gurmado. Xukuumado waxay kale fursad u heleysaa in ay kala shaqeyso howlaha gurmadka ah maamul- ka Jubbaland oo dhawaan bilaabay howsha gargaarka. Jubaland wax wada shaqeyn ka kama helin dowladda xiligeedu dhamaanayo, lugooyo mooyee, laakiin haddii xukuumado ay bedasho siyaasadeeda waxay kasban kartaa taageeradda dadka dhibaateysan ee deegaan- naddaa.
Colaadda ka taagan gobolka Gedo ee lagu eedeynayo xukuumadda iyo ciidameynta gobolkaas ayaa u baahan in si deg deh ah loo soo afjaro si loo bedbaadiyo dadka iyo xoolahooda… in kasta oo ciriiri yahay jadawlka shaqo ee ra’iisal wasaare Rooble waxaa uu howshaa u xilsaari karaa gudi ka kooban xukuumadiisa, maamulka jubaland iyo bul- shadda rayid ka ah. Howshan ma aha mid sugi karta xal siyaasadeed inta la gaarayo, waxay u baahan tahay si deg deg ah in wax loo qabto.
Xukuumadda xil gaarsiinta waa dhinaca kaliya oo u xil saaran in ay sii wado adeegga bulsho. Dadaalka la galinayo cudurka safmarka ah mid la mid ayaa loo baahan yahay in ka galiyo deegaanada abaartu saameysay. Dadkaa dhibaatadooda marka laga reebo maamulka Jubaland, cid dhibaatadooda ka hadashay ma jirto. Deegaanadda Soomaaliya ee xuduudka ku dhow ee Kenya, waxaa ka bilowday howlo loogu gargaarayo dadka abaartu saameysay.
Dhanka Soomaalia arrintu yaysan noqon ceelna uma qodna cidna uma maqna. Hadii xataa dadkaa gargaar dowladeed iyo caalam loo waayo, waxaa la fududeyn karaa in dadka Soomaaliyeed ay isu gurmadaan… oo sadaqadda ay soo uririyaan bulsha weynta gobolka Banadir iyo Soomaalida inteeda kale ayaa Gedo loo daabuli karaa.
Tilaabadan waxay muujineysaa in Soomaalidu waxa ay isku hayaan aysan qabyaalad oo ay tahay siyaasad. Mucaaradka iyo muxaafad- ka cid wal oo xilkas ah oo wax ka gali karta dhibaatadda ka taagan gobolka gedo ee dabiiciga ah insha ha ka fiirsan ee qabo intii karaankaaga ah.
Madaxda musharixiinta iyo dowlad goboleed- yadda iyo xitaa uu ku maamulka Somaliland sadaqo iyo in aad u gurmato walaalahaa oo dhibaateysan waa waajib diineed, mid Soo- maalinimo iyo mid bani’aadaninimo. Howshaas waxay u taal cid wal oo Soomali ah gudaha iyo debaddaba, haddii dadku u dhintaan gaajo iyo haraad iyadoo loo gurman karo waa doqobimo aan daawo loo heyn ee taa ha la ogaado. Ogow abaartu kuma koobna Gedo ee wax gaarsii meeshii aad gaarto. Dhamaad
W/Q:Mohamed Mohamud Adde.

