Wednesday, June 3, 2026
HomeWararGudahaDoorasho ka dhacday Garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan ee magaalada...

Doorasho ka dhacday Garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan ee magaalada Kismaayo

Garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan ee magaalada Kismaayo waxaa maanta ka dhacday doorashada Gudoonka Sare ee Midowga Wakiilada Duulimaadyada iyo dalxiiska Jubaland.

Dorashadan oo ay ku tartamayeen labada Urur ee kala ah Himilo iyo Tayo ayaa waxa ay ku dhacday jawi dagan, waxaana mar kale Golaha Fulinta loo doortay Axmed Jeele Qorax oo afarta sano ee soo socota hogaamin doona Midowga Duulimaadyada Diyaaradaha Jubaland.

Sidoo kale, waxaa goobta lagu doortay Gudomiyaha Golaha Shuurada, Cabdixakiim Daahir Maxamed, iyadoo goobjoog ay ka ahaayeen madasha Xildhibaano, Agaasimeyaal, Ganacsato, Laamaha amaanka garoonka iyo Maareeyaha Guud ee garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xassan.

Kadib markii ay soo idlaatay dorashada, waxaa si guud natiijada dorashada ugu dhawaqay Gudoomiyaha Gudiga Doorashada, Aadan Nuur Xabiib.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe