Thursday, June 25, 2026
HomeWararDoorashada Saddex Kursi oo Maanta dhaceysa

Doorashada Saddex Kursi oo Maanta dhaceysa

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Maamulka Hir-Shabeelle ayaa Maanta gelinka dambe Magaalada Beledweyne ku qabanaya doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Musharrixiinta ku tartameysa  Saddexda Kursi ayaa shalay la guddoonsiiyay Shahaadada musharraxnimo,waxaana kuraasta doorashadooda la qabanayo ay kala yihiin.

1: Kursiga HOP#010 oo uu hadda ku fadhiyo Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Axmed Jindi.

2: Kusriga HOP#030 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow.

3: Kurisiga HOP#066 oo uu ku fadhiyo Cumar Cismaan Waasuge, waxaana kursigaan uu kamid ahaa kuraasta taalla Magaalada beledweyne oo ay dooda ka taagneyd.

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa wada dardar gelinta doorashooyinka, waxaana hadii Maanta la doorto Saddexda kursi Maamulka Hir-Shabeelle u harsan 14 Kursi.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe