Home Warar “Doorashada Dalka 20/21 waa in ay ku dhacdaa waqtiga lagu ballamay” Lafta...

“Doorashada Dalka 20/21 waa in ay ku dhacdaa waqtiga lagu ballamay” Lafta gareen.{sawiro}

146

Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo la hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga gaar ahaan Magaalada Istanbul waxa uu la wadaagay dhinacyada Doorashada, Amniga, Waxbarashada, Dhaqaalaha & dib u dhiska dalka.

Image may contain: 4 people, people sitting and indoor, text that says 'w VVWL İstanbul Turkey'

Ugu horeyn waxa uu sheegay in dadaal badan la geliyay heshiiska doorashada oo fadhiyo kala duwan ay ka yeesheen Madaxda Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada ugu dambeyn dhinac loo riday nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa.

Image may contain: 4 people, people standing

Lafta gareen ayaa sheegay in ay guul tahay iyada oo ay isu madax bannaan yihiin hoggaanka heer federal iyo heer Dowlad Goboleed in ay ka doodaan sida loo jaangoynayo doorashada Soomaaliya.

“Dalka waxa uu ku jiraa xaalad adag oo doorasho ah oo Soomaalidu dhahdo kala guur, balse waa waqti doorasho oo lagu go’aaminayo hoggaanka xili sanadeedka 4-ta sano soo socota ah, waa mahad haddii Soomaalid ay ka heshiisay doorashada iyada oo aan Talo & cadaadisba ku lahayn Ajaanib, waxaana rajeyneenaa in ay ku dhacdo waqtiga lagu heshiiyay” ayuu yiri Madaxweyne Lafta gareen.

Image may contain: 4 people, people standing and suit

Dhanka kale, waxa uu dul istaagay doorka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Madaxweynaha & Shacabka Dalkaas waxa uu uga mahad celiyay garab istaaga ay u muujiyeen Walaalahood Soomaaliyeed xili xaalad adag oo bani aadamnimo waddanka ka jirtay.

Image may contain: 9 people, people standing

Soomaalida ayuu sheegay Madaxweynaha DG Koofur Galbeed in ay ka faaiideysatay taageerada Turkiga ee dhinacyada Amniga, Waxbarashada, Dhaqaalaha, diblumaasiyadda & kaalmooyinkooda muuqday tan iyo 2011-kii.

Image may contain: 4 people, people standing and suitKoofur Galbeed waxa ay kaalinta 1-aad kasoo gashay Dowlad Goboleedyada dhaqangeliyay heshiiska siyaasadeed ee laga gaaray Doorashada, waxaana jadwalka loogu talagalay ay kusoo gudbisay Guddiyada xalinta & Khilaafaadka, halka Guddiga kale ee maamula doorashada dhankeeda uu kasoo dhamaaday.