Wednesday, April 29, 2026
HomeWararDiyaarado dagaal oo duqeyn ka fuliyay Gobolka Bakool

Diyaarado dagaal oo duqeyn ka fuliyay Gobolka Bakool

Wararka naga soo gaaraya degaano ka tirsan Gobolka Bakool ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay diyaarado dagaal inay duqeyn ka fuliyeen degmada Tiyeegloow oo ay Maamulaan Ururka Al-Shabaab.
Ilo dadka degaanka oo diiday in Magacooda iyo Codkooda loo adeegsado Qalabka Warbaahinta ayaa sheegay inay maqleen dhawaqa jug culus balse aysan ogeyn halka ay ku dhaceen iyo qasaaraha ka dhashay.

Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka oo inta badan fuliya duqeymaha lala beegsado Al-Shabaab weli kama hadlin duqeyntaas oo siweyn looga dareemay degmada Tiyeegloow.
Gobolka Bakool ayaa waxaa uu kamid yahay meelaha ay awooda xoogan ku leeyihiin Al-Shabaab, waxana u go’doonsan degmooyinka Xudur, Waajid iyo Ceel-Barde.
Duqeyn taan ka dhacday degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool ayaa waxaa ay kusoo aadeeysaa xilli Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ku sugan yahay degmada Xudur, isla markaana uu Amar ku bixiyay in la qaado dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe