Tuesday, June 2, 2026
HomeWararGudahaDiyaarad shil ku gashay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Diyaarad shil ku gashay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Waxaa goordhaw shil ku gashay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, diyaarad la sheegay in ay leedahay hay’adda Qaramada Midoobya, xilliga ay diyaarada shilka galeysay ayaa la tilmaamay in garoonka ay kasoo dageysay.

Sida aan wararka ku helnay diyaarada ayaa xilli ay dooneysay in ay kusoo degto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa u bixi weysay lugaha, taas oo keentay in diyaarada markii dambo soo degto ayna sidaasi shilka ku gasho.

Lama soo sheegin ilaa hadda wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay shilkan diyaaradeed ee goordhaw ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana saraakiisha garoonka sheegeen in la baarayo sababta keentay shilkan.

Shilkan maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa imaanaya xilli maalmo kahor diyaarad nuuca xamuulka qaada ah ay ku dhacday duleedka magaalada Muqdisho, waxaana diyaaradaasi ku dhintay shaqaalihii diyaarada la socday.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe