Friday, April 24, 2026
HomeWararGudahaDiyaarad safarkeedu ahaa Mandheera & Nairobi oo shil gashay

Diyaarad safarkeedu ahaa Mandheera & Nairobi oo shil gashay

Diyaarad Safarkeedu ahaa Mandheera & Nairobi ayaa shil ku gashay Garoonka Diyaaradaha Mandheera kaddib markii ay awoodi waysay in ay cagaha saarto dhabbaha ay ku ordaan diyaaradaha, waxaana ay ka baxday dhabbihii ay ku ordi lahayd si ay u duusho.

Sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday diyaaradda ayaa muujinaya dhaawac soo gaaray diyaaraddaas, lama sheegin waxyeello kasoo gaartay Dadkii la socday oo la shaaciyay in laga soo badbaadiyay shilkaas kaddib.

Diyaaradda nooceedu waa Embrear, nambarkeeduna waa 5Y-EBB, waxa ay ku howlanayd safarka Nairobi iyo Mandheera iyada oo waday dad rakaab ah, waxaana lagu guulaystay in lasoo badbaadiyo dhamamaan rakaabkaas iyo shaqaalaha la socday.

Dadka qaar ayaa walaac ka muujiyay arrintaan, waxa ay Dowladda Kenya iyo Ismaamulka Mandheera ugu baaqeen in ay soo farageliyaan lana baaro si looga hortago halis weliba oo ka imaan karta dhinacaas oo ah meesha ugu muhiimsan diyaaradaha marka ay degeyaan ama duullayaan.

Garoonka Diyaaradaha Mandheera waxa uu muhiim u yahay duullimaadka gudaha ee Ismaamulkaas iyo Kenya inteeda kale, waxaa si joogta ah uga dega ugana duulla diyaarado kuwaas oo dadku adeegsadaan inkasta oo xaaladdaan ay hadal hayn abuurtay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe