Home Warar Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal ka dhacay Magaalada jowhar

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal ka dhacay Magaalada jowhar

41

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo Maanta Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ku dhex-maray Ciidamada ilaalada Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo kuwa Booliska oo dhinac ah iyo maleeshiyaadka Macawiisleeyda.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii maleeshiyadka macawiisleeyda ay weerareen Goob ay ku sugnaayeen Ciidamada ilaalada Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo kuwa Booliska oo ku taal Xaafada Hanti wadaah gaar ahaan laabta Baddacas, iyaga oo ka careysan xarig loo geystay todobaadkii hore taliyahooda oo lagu Magacaabo Yuusuf Macalin.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu ku dhintay Wiil Dhalinyaro ah oo lagu Magacaabi jiray Cali Axmed Godad oo kamid ahaa Dhalinyarada Paratacolka ee Madaxweynaha Hir-Shabeelle halka mid kale oo Magaciisa lagu sheegay Ciise uu ku dhaawacmay.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro soo gaaray dhinaca Ciidamada macawiisleeyda, waxaana maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa Magaalada Jowhar ee Caasimaddda Hir-Shabeelle.

Laamaha Amniga Magaalada Jowhar & Maamulka degmada weli kama hadlin dagaalka, waxaana la soo sheegayaa in labada dhinac ee dagaalantay ay weli isku hor-fadhiyaan halkii ay ku dagaalameen.