Home Warar Dhimasho & dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Dhimasho & dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay Shabeellaha Dhexe

50

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay Maqaaxi ku taalla Tuulada Qalimow oo ku taalla wadada xiriirisa degmada Balcad iyo Magaalada Jowhar, isla markaana degmada Balcad 30km kaga beegan dhinaca Waqooyi.

Maqaayada oo inta badan ay fariistaan Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in la geliyay qaraxa miino, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen inay ku dhinteen Saddex Ruux ku dhawaad 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay isugu jiraan Shacab iyo Askar Maqaaxida wada fadhiyay, waxaana loo  qaaday dhinaca Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Tuulada Qalimow oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Sha eellaha Dhexe ayaa waxaa saldhig ku leh Ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana Tuulada Xawaadleey oo wqx yar u jirta ku sugan dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab.