Thursday, April 18, 2024
HomeWararDhimasho & dhaawac ka dhashay dagaal ka dhacay duleedka Warsheekh

Dhimasho & dhaawac ka dhashay dagaal ka dhacay duleedka Warsheekh

Dagaal  geystay khasaaro dhimasho & dhaawac ah ayaa saaka laba maleeshiyo beeleed waxaa uu ku dhex-maray Tuulada Xawaale Odayaaal  oo 25-KM  dhinaca Waqooyi kaga beegan degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Labada maleeshiyo Beeleed ayaa dagaalkooda waxaa uu salka ku hayaa arrimo la xiriira dhul daaqsimeed, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday dagaalka Nin lagu Magacaabi jiray shariif Xaseey dhabiil, halka mid kale uu ku dhaawacmay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in labada maleeshiyo beelood dagaalkooda uu si iskiis ah u joogsaday, waxaana dadka ku nool tuulada Xawaale Odayaaal  ay sheegeen inay cabsi soo wajahday.

Xoghayaha maamulka degmada Warsheekh Cabdullaahi Raage Coloow ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay dadaal ku bixin doonaan sidii looga hortegi lahaa colaad beeleedyada soo laab laabtay.

Saacadaha soo socda ayuu sheegay in Maamulka degmada Warsheekh uu Ciidamo u diri doono degaanka lagu dagaalamay si xaalada degaanka loo dejiyo loona xaliyo wixii dhacay.

Sanadihii la soo dhaafay degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha dhexe waxaa kusoo batay Colaad beeleedyada, waxaana 8-dii Bishaan lagu dilay Hooyo & laba Carruur ah oo ay dhashay degaanka Xaluule oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe