Tuesday, January 21, 2025
HomeDhageysiDHAGAYSO:- Madaxweynaha Putland Oo Sheegay in Maamulkiisu Isku Filanyahay.

DHAGAYSO:- Madaxweynaha Putland Oo Sheegay in Maamulkiisu Isku Filanyahay.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Maamulka Puntland waqtigaan uusan cidna u baahneyn,isla markaana uu yahay Maamul isku filan dhinac walba oo gaari kara guulo waaweyn.

Madaxweyne Gaas, ayaa sheegay in cid allaala ee haatan u hanqal taageysa in meelo kale ay aado ay fasaxayaan laakin Puntland waqtigaan ay isku filan tahay.

Shacabka Puntland ayuu ugu baaqay in ay ilaashadaan midnimadooda,waxa uuna sheegay in Maamulkooda ay taageeraan,isla markaana uu yahay mid wax badan u qaban kara.

Hadalalka Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo aadaya xilli Madaxweyne Gaas uu taageeray dowladda Imaaraadka Carabta oo khilaaf weyn kala dhaxeeyo dowladda,isaga oo horay u sheegay in aysan jirin cid ay ku doorsanayaan Imaaraadka.

Halkaan ka dhagayso:

QORAALADA LA XIRIIRA

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe