Xili Maalmihii u danbeeyay ay da’ayeen Gobolada Dalka Roobab watta Gogac iyo Biriq ayaa waxaa la soo sheegayaa in biriq ay Xoolo ku leysay duleedka Magaaladda Baxdo ee Gobolka Galgaduud.
Inta Laxaqiijay Waxaa Ku dhimatay 260 Neef oo Ar ah kadib markii ay Biriqi ku dhacaday xalay Saqdii dhexe Qoys Xoolo dhaqato ah oo daganaa Duleedka Magaaladda Baxdo ee Gobolka Galgaduud, Kaliya Qoyskaas waxaa ubadbaaday 50 Neef oo ku Xareesnaa Xero gaar ah Sida uu Codka Gobolada dhexe u sheegay Aabaha Qooskaasi oo lagu Magacaabo Cabdul qaadir ciise axmed shuuriye.
Waxaa uu sidoo Kale sheegay in Qoyskiisa oo ka koobnaa ilaa 6 ruux iyo qoyska hooyadiis in uu kadhaxeeyay arigu, Hadana labadaasi qoys Ay sidaas Ku dhaafeen Xoolihii marka lagareebo 50Â Neef yaryar ah.
Ma ahan markii ugu Hreysay oo sidaan oo kale Biriqi wax ku disho Gobolka Galgaduud, labo todobaad ka hor ayay ahayd markii sidaan oo kale ay biriqi ku dishay qoys lamaane ahaa duleedka magaaladda Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.
Halkaan Ka Dhageyso: