Home Dhageysi Dhageyso+Akhriso:-Warbixin Halista Soomaliland ay ugujirto COVID-19

Dhageyso+Akhriso:-Warbixin Halista Soomaliland ay ugujirto COVID-19

267

Caabuqa halistiisu Badan tahay, Dunidana Saamaynta Ba,an ku yeeshay Ee ay Wadamadii ugu hor marsanaa Caalamka ay Kaqaylo dhaaminayaan ayay halis ugu jirtaa Somaliland in ay u noqoto halka ugu badan ee uu ku fido Guud ahaan Qaarada Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

Kumanaan Shacab ah ayaa Looga Cabsi qabaa in ay ugu halaagsamaan gudaha Soomaaliland COVID-19 hadii aysan Badalin Xukuumada Muuse Biixi Siyaasadeed aan dhaafsiisnayn Ictiraaf raadinta iyo Loolanka ay Kula jirto DFS Oo ay Kacarareyso in ay hoos tagto Awaamiirteedana u hogaansanto.

Boqolaal Gaadiidaka Xamuulka iyo kuwa raaxada ah ayaa Maalin kasta Si joogto ah u soo gala Deegaanada Soomaaliland kuwaas Oo Badan kooda ay Kayimaadaan Itoobiya oo ah Dal Cadaawad iyo nacayb Soojireen ah u haya Soomaaliya ayna Macquul tahay iyaka oo Ka faa,iidaysanaya Xaalada hada taagan in Si kas ah ugu soo gudbiyaan dad qaba Caabuqa Corona iyo Wax yaabo kale oo Caabuqaani Xambaarsan.

Siyaasiyiin,wax garad,Culumo iyo Cuqaal ayaa Kaqaylo dhaaminaya arintaan talase Faraha ayay Ka baxday Xiligaan.
Itoobiya Airline ayaa La ogaaday in Dad qaba Caabuqa Corona ayna Ka keentay Itoobiya in ay Kadajisay Hargaysa Safar ay u galeen Jabuuti Kadibna Laga helay CONID-19.

Somaliland Loolanka ay kula jirto Somliya,Qalabka Lagu Baaro Corona oo aanay Haysan iyo taxadar la,aanteeda Caabuqaan Waa Sababta Quburo dhinaca caafimaad ka ah ay u sii qiyaasayaan in ay hoy u Noqon doonta Corona.

Wax walba oo awal shaki ahaa,wax badan oo Eedaymo ay iska Fogaysay Xukuumada Muuse Bixii iyo Wax Badan oo Kiisaska Dad la ildaran Gudaha Soomaaliland ayna Kasoo muqdeen Calaamadihii Cudrkaan La qariyaba Shalay ayay Somaliland Ku dhawaaqday in 2-qof laga helay Cudurka Coronairus.

Qaylo dhaanta ayaa sii badatay Cabsida shacabka ayaa Cirka isku sii shareertay Walise Wadooyinka Soo gala Somalind Waa kuwo Furan goor kastana Safarada itoobiya oo uu Cudrkaan horay uga jiray ayaa imaan kartaa.

Waa Khatar Loo bareeray oo Ictiraaf Caalamka Looga raadinayo Waase Saan saan aan wanaagsanay Oo Kumanaan Shacab ah ay Ku halaagsami karaan.

Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmooyin Somaliland Waxa ay Bilaabeen in ay Ku qaylo dhaamiyaan Madaxada Soomaalind khatarta Ka imaanaysa Itoobiya ayna Kadayrinayaa in ay Mashqo u abuurto Shacabka.

Madaxda Soomaaliland wali Kama aysan Jawaabin Baaqyadaan Loo dirayo iyo Sababta ay ugu Bareerayaan in Cudrka uu Kusii faafo gudaha Soomaaliland.

QM Wax ay Kadigtay in Kala Fiogaanshaha Siyaasadeed lagu lifaaqo Kahortaga Caabuqaan Coronavirus Oo in Kabadan 40,000(afrtan Kuno) Oo Ruux ay ugu Geeriyoodeen Caalamka Laga Soo Bilaabo Bishii December Ee Sanadii 2019-kii Oo uu Caabuqaani Kadilaacay Magaalada Wohan Ee Dalka China.

Khatar Qaadashadeeda Loo Bareera Waxa ay leedahay Qaracan aysan jirin Cid Lagu Eedo Waana Tan Maanta Kataagn Soomaaliland hadii aysan Badalin Falsafadeeda Siyaasadeed Ee Aqoonsi helida ay indha u tahay.

Q/Shaafici Shariif Maxamuud