Saturday, March 22, 2025
HomeDhageysiDHAGEYSO:- Xildhibaan Jeesow Oo Ka Hadlay Qarax Loogu Xiray Gaarigiisa

DHAGEYSO:- Xildhibaan Jeesow Oo Ka Hadlay Qarax Loogu Xiray Gaarigiisa

Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesoow oo duhurnimadii maanta ka badbaaday qarax gaarigiisa loogu xiray ayaa warbaahinta kaga warbixyay sida uu qaraxaasi u dhacay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in qaraxaasi lala damacsanaa in lagu qaarajiyo balse uu ka badbaaday maadama xiliga uu qaraxa dhacay uusan saarneyn gaariga, waxa uuna sheegay in qaraxaaasi uu ahaa mid weyn balse gaarigu uusan khasaaro sidaas u badan uusan soo gaarin.

Waxa uu sheegay in garaxa uusan aheyn mid mar sii horeysay lagu xiray gaariga balse uu ahaa qarax loogu dhajiyay gaariga inta uu xildhibaanka uu ka maqnaa gaariga uuna ku dhaawacmay daroowalka gaariga u waday.

Xildhibaan DaahirAamiin Jeesoow ayaa saraakiisha amaanka Magaalada Muqdisho ugu mahadceliyay sida ay ugu soo gurmadeyn isagoo sheegay in amaankiisa ay sugeyn gaarigiisana ay goobta ka qaadeyn.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Jeesow Oo Dhameystiran:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe