Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow Oo ka Mid ah Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya Oo Hadda Ku Sugan Magaalada Balad-weyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan Ayaa Waxa Uu Ka Deyriyey Xaaladda Ay Ku Nool yihiin Dadka Reer balad-weyne Oo Ay fatahaaduhu Saameeyeen.
Xildhibaan Jeesow Oo La Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ee Cadaado Ayaa Ugu Horreyntii waxa Uu Sheegay In Ku Dhawaad 3,000 Oo Qoys Uu Ku Barakaceen Fatahaadaha Balad-weyne.
Sidoo kale Xildhibaanka Ayaa Waxa Uu Sheegay In Ay dad badani Ku Dhinteen fatahaadaasi Isaga Oo Carrabka Ku Dhuftay Muddadii Uu Ku Sugnaa In Ay Ku Dhinteen in Ka Badan 20 Qof Oo Siyaabo kala Duwan Ugu dhintay fatahaada balad-weyne.
Dhinaca Kale Xildhibaan daahir Amiin Jeesow Oo hadalkiisa Sii Wata Ayaa waxa Uu Sheegay In Gar-gaar Sidaasi U Buuran Aan la gaarsiinin Shacabka Reer Balad-weyne balse Waxyar Oo Dhiig Joojin Ah La Gaarsiiyey.
Deeqdaan la gaarsiiyey Ayuu Xuildhibaanku waxa Uu Kaga Mahadceliyey hay’adda Qatar charity Iyo Ciidmada Hiil-walaal Ee Wadanka Jabuuti.
Ugu dambeyntii Dawladda dhexe Ee dalka Ayuu u Jeediyey dhaliil taas Oo Ku Aadan In Ay Ka Gaabiyeen Gurmadkii La rabay In Ay U Fidiyaan dadka Ku Dhibaateysan balad-weyne Ee Xarunta Gobolka hiiraan.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaanka Oo Dhameystiran:-
Awsome article and right to the point. I am not sure if
this is in fact the best place to ask but do you guys have any ideea where to get some professional writers?
Thx 🙂