Wefdi Uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Dib U Heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye Ayaa Salaaddii Maqrib Soo Gaaray Magaalada Cadaado Ee Xarunta Baarlamanka Gal-mudug.
Wasiirka Waxa Socdaalka Ku Wehliyey Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dawladda Dhexe Ee Dalka Waxaana Garoonka Diyaaradaha Kusoo Dhaweeyey Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamanka Aqalka Hoose Ee Dalka Xubno Ka Tirsan Maamulka Gal-mudug Kan Degmada Cadaado Iyo Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada.
Ugu Horreyntii Axmed Cabdi Kaariye Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Guryeynta Ee Xukuumadda Soomaaliya Oo War-Baahinta La Hadlay Ayaa Sheegay In Socdaalkoodu Daaran Yahay Sidii Xal Looga Gaari Lahaa Dagaal Beeleedyada Kusoo Noq-Noqday Deegaano Ka Tirsan Gobolka Gal-Gaduud.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Dib U Heshiisiinta Ee Dawladda Soomaaliya Oo Isna Saxaafadda Kula Hadlay Garoonka Diyaaradaha Cadaado Ayaa Tilmaamay In Muddo Saddex Maalin Ah Ku Sugnaan Doonaan Degmada Isla-Markaana U Kuur Geli Doonaan Sidii Xal Rasmi Ah Looga Gaari Lahaa Dagaal Beeleedka Kusoo Laa-Laabtay Waqooyiga Gobolka Gal-Gaduud.