Home Dhageysi Dhageyso: Wararkii U Dambeeyey Ee Ku Saabsan dagaalka Tukaraq

Dhageyso: Wararkii U Dambeeyey Ee Ku Saabsan dagaalka Tukaraq

415

Deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool Maanta Waxaa Kuwada Dagaallamay Ciidamo Kala Taabacsan Maamullada Soomaaliland Iyo Puntland.

Dagaalka Ayaa Waxaa Uu Qarxay Saaka Saacadu Mark ay aheyd 05:30 Ee Aroornimo Kaas Oo Ay Khasaaro Xoog Leh Ka Dhalatay.

Goob-joogayaal Ku Sugan Deegaanka Tukaraq Ayaa Codka Gobollada Dhexe U Sheegay In Khasaaro Isugu jira Dhimasho Iyo dhaawac Uu Ka dhashay Dagalkaasi.

C/rashiid Cige Ciise Oo Ka Mid Ah Odayaasha Deegaanka Tukaraq Oo Goor Dhaweyd La Hadlay Idaacadda Codka GobolladaDhexe Ayaa Waxa Uu Sheegay In Dagaalku Daqiiqado Ka Hor Istaagay isla-markaana Uu Jiro Khasaaro Badan Oo ka Dhashay.

Waxa Uu Tilmaamay In Uu Arkay Ciidamada Maamulka Soomaaliland Oo La Gudbaya Gawaari Sita Dhaawaca Iyo dhimasho Kasoo Gaaray dagalkaasi.

Sidoo kale Waxa Uu tilmaamay In Ay Jirto Maxaabiis Ay Soomaaliland kasoo Qabatay Dagaalkaasi Inakstoo Uusan Tiro Ahaan Xaqiijin Khasaaraha.

Waxa Uu Xusay In Dagaalku ka Dhacay Meel 7-KM dhanka Bari Kaga Beegan Deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool Isla-markaana Dadka Deegaanka Ay Ka Barakaceen dagaalka Ka Socda Duleedka Tukaraq.

Dagaalkii Saaka Aroortii ka qarxay Aagga deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool ayaa Laba dhinac Ee Puntland Iyo soomaaliland isku Eedeynayaan In Uu Midba Midka Kale Dagaalka Soo Qaaday

Hoos Ka Dhageyso Codka Goob-joogaha Oo Dhameystiran:-