Sunday, March 23, 2025
HomeDhageysiDhageyso:-War-Murtiyeed Laga Soo Saaray shirka Madaxda Maamullada Ee Baydhabo

Dhageyso:-War-Murtiyeed Laga Soo Saaray shirka Madaxda Maamullada Ee Baydhabo

Magaalada baydhaba Galinkii dambe Ee Maanta waxaa lagu Soo Gaban-gabeeyey Shirkii U Dhaxeeyey Madaxda Maamullada Dalka Oo Labadii Maalmood Ee U Dambeysay ka Socday Magaalada baydhaba Ee Xarunta Gobolka Bay.

Shirkaan ayaa Intii uu Socda Waxaa Looga Hadlayey arrimo la Xariira Xaaladda Guud Ee dalka Oo Ay Qayb Ka Yihiin Sidii kooxda Al-shabaab Looga Saari Lahaa Gobollada iyo deeganada Ay Kaga Sugan yihiin Dalka Soomaaliya.

Gaban-gabadii shirkaan ayaa Waxaa Laga Soo Saaray War-murtiyeed Ka Kooban illaa Iyo Toban Qodob Oo Ku Saabsan wax-yaabihii shirkaasi Kasoo baxay.

War-murtiyeedka shirka Laga Soo saaray waxaa Ka Mid ahaa In Goluhu Uu Soo dhaweynayo qorshaha KMG Ah Ee Amniga dalka Iyo sidii loo dar-dar Gelin Lahaa Sidii al-shabaab Looga Saari Lahaa deeganada Ay Ku Sugan Yihiin.

Sidoo kale Golaha iskaashiga dawlad Goboleedyada Dalka waxaa Sheegeen In Ay Ka Walaacsan Yihiin Xiisadda Colaadeed Ee kasoo Cusboonaatay Deeganka tukaraq Ee gobolka Sool Oo Ay kuwa dagaallamayaan ciidamo kala taabacsan Maamullada Soomaaliland iyo Puntland.

Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleedyada dalka Waxa Ay Sidoo kale Dhaliileen qorshaha Amniga Qaranka Oo Horay loogu Heshiiyey.

War-murtiyeedka ay Soo Saareen Madaxda dawlad Goboleedyada Ee Ku shirsanaa Baydhabo waxaa War-baahinta u Akhriyey Guddoomiyaha Xog-heynta Golaha Iskaashiga Cabdi cali Xaashi

Halkaan ka dhageyso war-murtiyeedka Shirka:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe