Sunday, January 19, 2025
HomeDhageysiDhageyso:-Tiradii Ugu Badneed Ee Musharaxiinta Koofur Galbeed oo Iscasilay

Dhageyso:-Tiradii Ugu Badneed Ee Musharaxiinta Koofur Galbeed oo Iscasilay

Musharixiintaan oo Kulan ku yeeshay Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegeen inay ka tanaasuleen u tartamida xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sababaha ay uga hareen tartanka ayaa waxa ay ku sheegeen dhowr qodob oo kal ah.

1:-Markii ay falanqeyn iyo qiimeyn dhab ah ku sameeyeen xaalada murugsan ee dhaqaale iyo mid siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.

2:-Markii ay arkeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ay faragelin toos ah ku sameyneyso doorashada Koonfur Galbeed.

3:-Markii ay tixgeliyeen rabitaanka Shacabka iyo codsiyada ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ay sababtay inay tartanka isaga haraan.

Xubnahaan tartanka ka haray ayaa waxa ay ahaayeen Galaha la Magac baxay isbedel doonka Koonfur Galbeed,waxana ay sheegeen inay musharaxa isbedel-doonka u doorteen inoo noqdo  Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur)

Musharixiinta Tartanka ka haray ayaa waxa ay kala yihiin

Maxamed Aadan fargeeti

Yuusuf Macalin Baadiyoow

Saalax Sheekh cismaan

Xuseen Kacaan

Iyo Xasan Amiin

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe