Home Dhageysi Dhageyso:- Suldaan Cabdi Nuur Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida C/laahi Insaaniyo

Dhageyso:- Suldaan Cabdi Nuur Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida C/laahi Insaaniyo

460

Suldaan Cabdi Nuur Oo Ka Mid Ah Salaadiinta Salaadiinta Kasoo Jeeda Deeganada Maamulka Puntland Ayaa waxa Uu tacsi U Diray Ehalladii Iyo Saaxiibadii Uu Ka Baxay Aqoonyahan C/laahi Xaaji max’ud C/laahi Insaaniyo Oo 11-bishaan Ku Geeriyooday Gobolka Vergenia Ee Dalka Mareykanka.

Waxa Uu Sheegay In ahaa Nin Abwaan Iyo Aqoonyahanba Ah Isla-markaana Magac Ku Dhe Lahaa Dhamaan bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo Kale Waxa Uu Tilmaamay In UU Ka Mid Ahaa Raggii Aqoonyahanadda Ahaa Ee Qoray Farta Soomaaliga sumcadna ku lahaa shacabka Soomaaliyeed.

Suldaan cabdi Nuur ayaa Waxa Uu Sheegay In C/laahi Insaaniyo Uu Ahaa Nin Ku Hadla illaa Iyo shan Luuqadood oo ay ka mid yihiin luuqadaha Carabiga, Talyaaniga, Ruushka Iyo Luuqado Kale Oo Uu Ku Jiro Afka Ingiriisiga.

Ugu Dambeyntii Ayuu Marxuumka Waxa Uu Alle Uga Baryey In Uu Jannatul-fardwsa Ka Waraabiyo ilaaheyna U Naxariisto C/laahi Xaaji max’ud insaaniyo.