Iyadoo Dhawaan Maamulka Gobolka Banaadir Uu Isku shaadheyn Ku Sameeyey Qaar Ka Mid Ah Hoggaanada Degmooyinka Gobolka Banaadir Isla-markaana Inta Badan xilalkii Loo Dhiibay Dhalin-yaro Da’yar Ah Ayaa Arrinkaa Waxaa Soo dhaweeyey Qaar Ka Mid Ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed.
Waxa Ay Sheegeen Siyaasiyiintaan In Tani Ay Tahay Tallaabo Muhim Ah Oo UU Maamulka Gobolka Banaadir Horay U Qaaday Waxna Ka Badeli karta Xaaladda Siyaasadeed Ee dalku Dhex- Mushaaxayo waqtigan.
Cabdi Nuur Jaamac jookar Oo Ah Falanqeeye Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya Kuna Sugan Magaalada kismaayo Ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose Oo La hadlay Codka Gobollada Dhexe Ayaa waxa Uu Sheegay In Dhalintaan Ay Yihiin Kuwa Weli Maskaxdoodu Caafimaad Qabto Wax Badana U Qaban Kara Dalka.
Hoggaanadii Hore Ayuu Ku Eedeeyey In Aysan Dadaal Ku Bixin Sidii Nabad Buuxda Loogu Soo Dabaali Lahaa dalka Gaar ahaana magaalada caasimadda Ah Ee Muqdisho Isagoo sheegay In Weli Maskaxdooda Ka Guuxeysa Siyaasadii Hore Iyo Bur-burkii Dalku Soo Maray.
Dhinaca Kale Siyaasi Jookar Waxa Uu Sheegay In Tallaabadan Ay Dhalinta Soomaaliyeed Ka Baajin Karto Shaqo La’aanta baahsan Iyo Tahriibka Ay Ugu Sii Qul-qulayaan Dalalka Reer Yurub.
Sidoo Kale Waxa Uu Hoosta Ka xariiqay Siyasigan In Haddi dhalintaan Si Hufnan Iyo Daacadi Ku Jirto U Shaqeeyaan Ay Baaqan doonto dhalinta Soomaaliyeed Ee bahda Ku Biimeynaya Naftooda balse Taa Badalkeed iyaga Loo Soo Tahriibi Doono Waa Haddii Ay Si Cadaalad Ku Jirto U Maamulaan dalka Sida Uu Sheegay Siyaasi Jookar.
Maalmo Ka Hor Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Caasimadda Ah Ee muqdisho Ayaa Isku shaadheyn Ku Saameeyey Qaar Ka Mid Ah Guddoomiye Ku Xigeenadii Iyo Xog-heynadii Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Hoos Ka Dhageyso Codka Siyaasi Jookar:-